Gantaalka ay rideen xoogaga madaniiyiinta ee Xuutiyiinta dalkaas yemen ee ay iiraan taageerto ayaa markii ugu horeysay Gaaray Israa'iil

Latest Article

6/recent/ticker-posts

Gantaalka ay rideen xoogaga madaniiyiinta ee Xuutiyiinta dalkaas yemen ee ay iiraan taageerto ayaa markii ugu horeysay Gaaray Israa'iil

 


Gantaalka ay rideen xoogaga madaniiyiinta ee Xuutiyiinta dalkaas yemen ee ay iiraan taageerto ayaa markii ugu horeysay Gaaray Israa'iil waxaana ay ku dheceen deegaano badan oo israa,iil ah inkasta oo ay ka hadleen ciidanka israa,iil ayna sheegeen inuu 9 qof dhaawac ka soo gaaracy, hadana ma jirto ilo madaxbanaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee uu geystey gantaalkaas.

 

Seedhiga digniinta weerarka cirka ah ayaa ka dhawaajiyay caasimada yuhuuda ee talaabiib axadii maanta iyo guud ahaan bartamaha Isreal daqiiqado ka hor inta uusan gantaalku dagin qiyaastii 6:35 a.m. waqtiga maxaliga ah (3:35 a.m. GMT), wuxuuna u diray digniintaas dadka deegaanka oo u soo ordaya gabbaad. Waxaa la maqlayay qaraxyo waaweyn, oo ay milatariga sheegeen inay ka yimaadeen gantaallo dhexgalay gantaallo oo qarxaayey.

 

"Ka dib hoonka seedehiga digniinta ee dhawaan ka dhawaajisay bartamaha Isreal, waxaa la ogaaday inay jiraan gantaallo dhulka dusha ku socday jawi ka hooseeya kan caadiga ah oo u gudbaya dhanka bartamaha Isreal dhinaca bari wuxuuna ku dhacay aag furan. Lama soo sheegin wax dhaawac ah," ayuu yiri milatariga isreal oo soo kala saaray warar is burinaayo.

 

ku xigeenka Madax xafiiska warfaafinta ee Xuutiyiinta, Nasruddin Amer, ayaa qoraal uu qoray axadii maalintii ku sheegay in gantaal Yemeniyiin ah uu gaaray Israa'iil ka dib markii "20 gantaal ay ku garaaceen israa,iil waa ayna ku guuldareysteen inay qabtaan cadowgu ayuu yiri" isagoo ku tilmaamay "bilowgii jabka yuhuuda  iyo cadowga muslimiinta."

 

Hadal uu ka soo saaray telegram, kooxdan ayaa ku sheegtay in afhayeenka milatariga uu dhowaan faahfaahin ka bixin doono dhacdadaas"hawlgal tayo leh oo lala beegsaday israaiil.





Post a Comment

0 Comments