Deg Deg Xogta khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo ka dhacay xadka ay wadagaan…sea more

Latest Article

6/recent/ticker-posts

Deg Deg Xogta khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo ka dhacay xadka ay wadagaan…sea more


Xogta khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo ka dhacay xadka ay wadagaan…sea more


Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaara ka dhashay duqeyn ka dhacday xadka ay wadagaan shabeelada dhexe iyo Galgaduud gaar ahaan degaanka cali heyle islmarkaana ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab kuwaasi oo abaabul dagaal ka waday halkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa wax ay sheegtay in ay khasaaraha culus ay gaarsiiyeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab kuwaasi oo dhumaleysi ku jagay xadka labada gobol ee shabeelada dhexe iyo Galgaduud.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu tilmaameeen in ay jab xoogan gaarsiiyeen xubna ka tirsan kooxda Al-Shabaab islmarkaaana ayna ka burburiyeen gaadid dagaal iyo saldhig ay ku lahayeeen degaanka cali heyle.

Saraakiisha ayaa waxa ay intaasi sii raaciyeen in ay horay uhayeen xogta xubnaha Al-Shabaabka ah ee dhumaleeysiga ku jooga degaanka cali heyle islmarkaana ay bartilmaamedkoodii uu noqday mid guuleystay

Hase ahaate weerarka duqeynta ah ee ka dhacay cali heyle ayaa waxa ka sii horeeyay weerar duqeyn oo isna ka dhacay degaan hoostaga Degmada Ruunnirgood ee gobolka shabeelada dhexe

Taasi oo lagu duqeeyay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab islmarkaaana. Doonayay in ay weeraro iyo qaraxyo ka geystaan saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa degaanka ay ku leeyihiin degmada ruunnirgood balse saraakiisha ciidamada xooga dalka ayaa waxa ay sheegeen in halkaasi ay ku duqeeyeen dagaalyano ka tirsan kooxda Al-Shabaab islmarkaaana looga buburiyay gaawari dagaal oo uyaala goob ay saldhig ku lahayeeen malesshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ku taala degaan hoostaga Degmada Ruun nirgood.

Si kastaba ma jira faahfaahin dhanka malesshiyaadka kooxda Al-Shabaab ay ka soo saareen duqamaha loogu geystay xadka shabeelada dhexe iyo Galgaduud.



Post a Comment

0 Comments