Askar ka tirsan Ciidamada Ukraine ayaa waxaa toogtay askar Ruush ah markii ay is dhiibeen

Latest Article

6/recent/ticker-posts

Askar ka tirsan Ciidamada Ukraine ayaa waxaa toogtay askar Ruush ah markii ay is dhiibeen


Muuqaalo cusub ayaa muujinaya askarta Ukraine oo la tooganayo xilli ay isku dhiibayaan ciidamada Ruushka kadib weerar gaadmo ah militariga ruushka ay soo qaadeen.

Muuqaalkan oo ay dhawaan heshay CNN ayaa waxaa laga duubay dhamaadkii bishii Agoosto gobolka Donetsk ee bariga dalkaasi taas oo muujinaysa saddex askari oo jilba joogsaday gacmahooda dhabarka dambe saartay ka hor inta aan la toogan. 

Mashcalnews waxaa ay dooratay in aanay muujin muuqaallada sababta oo ah waa mid gaf ku ah xeerar online 

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ukraine ayaa CNN u sheegay in dhacdadani ay qeyb ka tahay dilalka askarta is dhiibtey oo sanadkan kor u kacay.

Waxaa jiray ilaa15 kiis oo noocan oo kale ah - kuwaas oo ciidamada Ukraine ee isa soo dhiibay lagu dilay halkii maxaabiis ahaan loo qaban lahaa - tan iyo bishii November, sida laga soo xigtay ilo sirdoonka Ukraine.

Andriy Kostin, oo ah dacwad oogaha guud ee Ukraine, ayaa sheegay in dilalka loo gesto askar maxaabiis ah ay yihiin dambiyo dagaal. "Haddii maxaabiista dagaalka ay isa soo dhiibaan, haddii ay muujiyaan in ay isdhiibeen, haddii aysan hub ku jirin gacmahooda, markaas fulinta dilkoodu waa dambi dagaal," ayuu yidhi.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaan wali ka jawaabin Eedeeymaha loo soo jeediyey. 

Dhanka kale, Jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Ukraine ayaa sheegay in duulaankii ay ku qaadeen Kursk Ciidamadoodu ay hakisay ama joojisay horumarka Ruushka ee xaawloga uga socday aaggagga muhiim u ahaa.

Kyiv ayaa duulaan ku qaaday gobolka kursk 6-dii Agoosto waxayna sheegtay inay qabsatay 1,300 km² dhulka Ruushka – oo ay ku jiraan 100 magaalo.

Tallaabadan ayaa loogu talagalay in lagu hakiyo horusocodka Ruushka ee ku wajahan magaalada muhiimka ah ee Pokrovsk ee bariga Ukraine.

Isaga oo la hadlaya CNN, Jeneraalka sare ee Ukraine Oleksandr Syrskii ayaa soo jeediyay in xeeladdu ay shaqaynayso, isagoo leh: “Lixdii maalmood ee la soo dhaafay, cadawgu hal mitir uma soo marin jihada Pokrovsk.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay awooday in ay sii haysato gobolka Kursk ee dalka Ruushka ka dib markii ay Ciidankiisu gudaha u gashay dhulka ruushka 6-dii Agoosto. 

Jeneraal sare oo Yukreeniyaan ah ayaa sheegay in duulaanka Kursk uu joojiyay horusocodka militariga Ruushka ee bariga dalkaas Ukraine, isagoo leh: "Istaraatijiyaddeennu waa shaqaynaysaa" 

Sido kale dowlada Britain ayaa ku dhawaaqday inay 640 gantaal oo difaaca cirka ah siinayso Ukraine taasoo qayb ka ah kaalmo military oo ku kacaysa £162 milyan oo ginni. 

Madaxweyne Zelensky ayaa ku eedeeyay Britain inay ka gaabisay keenista gantaalada riddada dheer khudbad uu ugu baaqayay taageerayaasha caalamiga ah inay hub badan siiyaan Ukraine maalmo ka hor waxaa ayna Britain u muuqataa inay ka soo jawaabtay eedeynta zelensky.





Post a Comment

0 Comments