Su,aalo iyo jawaabo diini ah ka faaidayso

Latest Article

6/recent/ticker-posts

Su,aalo iyo jawaabo diini ah ka faaidayso




S..1aad:-Waxaad sheegtaa magaca Malaga suurta afuufay oo kamid ah mallaigta

J..1aad:-Malaga suurta afuufaya waxaa la yiraahdaa Israa’fiil.

S..2aad:-Waxaad sheegtaa geedka ka baxa Jahanama bartankeeda?

J..2aad:-Waxaa la yidhaahdaa Zaquum.

S..3aad:-Waxaad sheegtaa macnaha magaca Jibriil?

J..3aad:-Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu Cabaas.






S..4aad:-Waxaad sheegtaa masaajidka salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?

J..4aad:- Waa masaajidka Qubaa.

S..5aad:-Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?

J..5aad:-Maydka xalaasha ahi waa (Ayaxa iyo Kaluunka).

S..6aad:- Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?

J..6aad:- Dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada.

S..7aad: -Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebigaﷺ, dagaalkii Uxud?

J..7aad: -Wuxuu ahaa Ibnu Qimah.

S..8aad: -Kumuu ahaa yuhuudigii Nebigaﷺ, sixray?

J..8aad:- Wuxuu ahaa Lubeyd binu Acsam.

S..9aad:-Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii Nebigaﷺ, dagaalkii Uxud?

J..9aad:-Wuxuu ahaa Cuqba binu abi Waqaas.

S..10aad:-Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?

J..10aad:-Waxay ahayd Nebi muuse hooyadii.

S..11aad:- Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?

J..11aad:- Waxaa weeye Magaalada Madina Almunawara.

S..12aad:-Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu khadab?

J..12aad:-Waxay ahayd suuradu Daahaa.

S..13aad:- Waxaad sheegtaa suurada u shafeeco qaadeysa qofka akhriya?

J..13aad:- Waa suuratu Mulk (Tabaarak).

S..14aad:-Waxaad sheegtaa aayada koobeysa dhamaan xuruufta carabiga?

J..14aad:- Waa aayada u danbeysa suurada al-Fatx.

S..15aad:-Waxaad sheegtaa Asxaabigii la dilay isagoon weligii Alle u sujuudin?

J..15aad:- Wuxuu ahaa Cumar binu Thaabit, wuxuu soo islaamay dagaalkii Uxud waxaana la Dilay isla maalintaas.

S..16aad:-Waxaad sheegtaa shahiidkii ugu horeeyey Islaamka?

J..16aad:-Waxay ahayd Sumaya bintu Khayaad, (Aala Yaasir) Camaar ibnu Yaasir hooyadii.

S..17aad:- Waxaad sheegtaa duulaankii (Qaswadii) ugu danbeeyey ee Rasuulku duulo?

J..17aad:-Waxay ahayd Qaswadii Tabuuk , sanadii 9aad ee Hijrada.

S..18aad:-Waxad sheegtaa Labadii Asxaabi ee Rasuulku ku dabo tukaday?

J..18aad:- Abuubakar sadiiq iyo Cabdir-Raxmaan binu Cawf.

S..19aad:-Waxaad sheegtaa sanadka islaamka loo yaqaan sanadkii murugada?

J..19aad:- Waa sanadkii ay dhimatay Khadiija binti Khuweylad, iyo Abuu Taalib.

S..20aad:-Yaa ugu soo hor islaamay reer Madiina?

J..20aad:-Waxaa ugu soo hor islaamay Sacad binu Suraara

S..21aad:- Jannada yaa ugu hor gelaaya??

J..21aad:-Waxaa ugu hor gelaaya Nebigeena Muxammedﷺ.

S22aad: Waxaa sheegtaa Denbigii ugu horeeyey ee Alle lagu caasiyo?

J22aad: Wuxuu ahaa Kibir uu sheydaan ka kibray inuu sujuudo.

S23aad: Waxaa sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee qof dila aduunka korkiisa?

J23aad: Wuxuu ahaa Qaabiil binu Aadam oo dilay walaalkii Haabiil.

S24aad: Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee Qiblada u tukada?

J24aad: Wuxuu aha Asxaabiga la yidhaa Saciid binu Mucaali.

S25aad: Waxaad sheegtaa magaca Asxaabigii Abi Saciid al-Khudriyi?

J25aad: Waxaa la odhan jiray Sacad binu Maalik binu Sinaan (RC).

S26aad: Kumuu ahaa Asxaabigii Nebiguﷺ, yidhi waxaa dileysa koox xadgudubtay?

J26aad: Wuxuu ahaa Camaar binu Yaasir (RC).

S27aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku dhashay Kabcada badhtankeeda?

J27aad: Wuxuu ahaa Xakiim binu xisaam (RC.

S28aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Malaku Jibriil Allah salaanta uga keenay?

J28aad: Waxay ahayd Khadiija bintu Khuweylad (RC).

S29aad: Waa kuma sayidka shuhadadu?

J29aad: Waa Xamsa binu Cabdi Muttalib (RC).

S30aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Nebiguﷺ u sheegay inuu Alle jecelyahay?

J30aad: Wuxuu ahaa Miqdaad binu Camar (RC).

S31aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku riyooday Aadaanka?

J31aad: Cabdullah binu Zayid (RC).

S32aad: Waxaad sheegtaa Suuradii Nebiguﷺ, yidhi waxaan ka jeclahay Aduunka iyo waxa dhex yaala?

J32aad: Waa Suuratu, Al-Fatax.

S33aad: Noocyada Sadaqada tee ugu fadli badan?

J33aad: Waxaa ugu fadli badan Biyaha oo lays waraabsho.

S34aad: Waxaad sheegtaa magaca faraskii ugu horeeyey ee Rasuulkuﷺ, ku duulo?

J34aad: Waxaa la odhan jiray Sakab.

S35aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa’igtu ka xishoon jirtay?

J35aad: Wuxuu ahaa Cismaan binu Cafaan (RC).

S36aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee lagu aaso Xabaalaha Baqiic?

J36aad: Wuxuu ahaa Cismaan binu Madcuun (RC).

S37aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii geridiisa uu u luxmay Carshiga Alle?

J37aad: Wuxuu ahaa Sacad binu Mucaad al-Ansaariyi (RC)

S38aad: Waxaad sheegtaa Sir-hayihii (xog-hayihii), Nebigaﷺ?

J38aad: Waxaa la odhan jiray Xudeyfa binu-Yamaan (حذيفة بن اليمان) (RC).

S39aad: Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee yidhi Bism Allaah ee aan waxba ku noqon?

J39aad: Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid (RC).

S40aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder?

J40aad: Wuxuu ahaa Abu Cubeyda Caamir Binu Jaraax.

S41aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal?

J41aad: Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws.

S42aad: Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu Hureyrah?

J42aad: Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC).

S43aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abii Ayuub al-Ansaariyi?

J43aad: Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid (RC).

S44aad: Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abii Darr al-Qafaariyi?

J44aad: Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC).

S45aad: Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?

J45aad: Waxaa uu ahaa Sacad binu Abii Waqaas (RC).

S46aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?

J46aad: Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith (RC).

S47aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen?

J47aad: Waa Sacad bin Mucaad (RC).

S48aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa’igtu soo bookhan jirtay?

J48aad: Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen (RC).

S49aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulkuﷺ, ku kafnay khamiis kiisii?

J49aad: Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu Abii Taalib hooyadii) (RC).

S50aad: Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebiguﷺ, yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego?

J50aad: Wuxuu ahaa Nabtal binu Acsam.

S51aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abii Bakar as-Siddiiq?
(أبو بَكر الصّدِّيق عبد الله بن أبي قُحافة التَّيمي القُرَشيّ)

J51aad: Cabdullaah binu Abi Quxaafa.

S52aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abu-jahal?

J52aad: Waxaa la odhan jiray Camar Binu Hishaam.

S53aad: Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey?

J53aad: Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka.

S54aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash?

J54aad: Cismaan bin Cafaan (RC).

S55aad: Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama?

J55aad: Waa Salaada.

S56aad: Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka (xawdka), Nebiga ka cabaaya?

J56aad: Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC).

S57aad: Naarta yaa ugu hor gelaya Qiyaamaha?

J57aad: Waxaa ugu hor gelaaya Suldaan, Madaxweyne ama hogaamiye aan cadaalad sameyn.

S58aad: Waxaad sheegtaa ninka keliya ee Nebiguﷺ, gacan tiisa ku dilay?

J58aad: Waa Ubaya bin Khalaf.

S59aad: Waxaa sheegtaa Saxaabigii Rasuulkaﷺ sirtiisa ahaa?

J59aad: Waxuu ahaa Xudeyfah حذيفه.

S60aad: Waxaa sheegtaa Saxaabigii arkay Masiixuddajaal waqtigii Nabigaﷺ?

J60aad: Waxuu ahaa Tamiimuddaari تميم الدار

S61aad: Waxaa sheegtaa salaada aan lahayn rukuuda iyo sujuuda?

J61aad: Waa salaadda (meydka) ama salaadda (janaasada) lagu tukado.

S62aad: Waxaad sheegtaa magaca Malaga suurta afuufay oo kamid ah mallaigta

J62aad: Malaga suurta afuufaya waxaa la yiraahdaa Israa’fiil.

S63aad: Waxaad sheegtaa geedka ka baxa Jahanama bartankeeda?

J63aad: Waxaa la yidhaahdaa Zaquum.

S64aad: Waxaad sheegtaa macnaha magaca Jibriil?

J64aad: Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu Cabaas.

S65aad: Waxaad sheegtaa masaajidak salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?

J65aad: Waa masaajidka Qubaa.

S66aad: Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?

J66aad: Maydka xalaasha ahi waa ””Ayaxa iyo Kaluunka.

S67aad: Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?

J67aad: Dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada.

S68aad: Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebigaﷺ, dagaalkii Uxud?

J68aad: Wuxuu ahaa Ibnu Qimah.

S69aad: Kumuu ahaa yuhuudigii Nebgaﷺ,sixray?

J69aad: Wuxuu ahaa Lubeyd binu Acsam.

S70aad: Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii Nebigaﷺ, dagaalkii Uxud?

J70aad: Wuxuu ahaa Cuqba binu abdi waqaas.

S71aad: Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?

J71aad: Waxay ahayd Nebi muuse hooyadii.

S72aad: Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?

J72aad: Waxaa weeye Magaalada Madina Almunawara.

S73aad: Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu Khattaab?

J73aad: Waxay ahayd suuradu Daahaa

Post a Comment

0 Comments