Putin wuxuu doonayaa inuu dhexdhexaadiyo ama heshiis nabadeed kala dhexdhigo Azerbaijan iyo Armenia safar uu ku tagay Baakuu

Latest Article

6/recent/ticker-posts

Putin wuxuu doonayaa inuu dhexdhexaadiyo ama heshiis nabadeed kala dhexdhigo Azerbaijan iyo Armenia safar uu ku tagay Baakuu



Putin wuxuu doonayaa inuu dhexdhexaadiyo ama heshiis nabadeed kala dhexdhigo Azerbaijan iyo Armenia safar uu ku tagay Baakuu

Booqashada hogaamiyaha Ruushka oo qaadan doonta labo maalmood ayaa calaamad u ah isbeddel isbahaysi cusub ee gobolka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu kula hadlay Madaxweynaha Azarbijaan ilhaam Ali yev macaalada baakuu, Azerbaijan 19 Agoosto 2024,

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqashadiisa Baakuu ku sheegay in Moscow ay wali ka go’an tahay doorkeeda taariikhiga ah ee dhexdhexaadinta wada xaajoodyada nabadeed ee Azerbaijan iyo Armenia inkastoo uu dagaal ka socdo uu dagaal adag kula jiro Ukraine, 

Putin waxa uu Azarbiijan ku joogay booqasho laba maalmood ah - waa booqashadiisii ​​ugu horreysay ee uu ku tago waddanka qaniga ku ah saliidda tan iyo markii Moscow ay ku soo duushay Ukraine 2022 iyo dib u qabsashadii Baakuu Gobolka Nagorno Karabakh ee gooni u Goosadka ahaa qowmiyadaha Armenian weerarkii bishii Sebtembar taas oo uu puutin si indha la aan ah u taageeraayey dalka Armenian 


Azarbiijan ayaa qaban doonta doorashooyin baarlamaani ah oo degdeg ah 1-da Sebtembar


Qowmiyadaha Armenianka ah oo isku soo baxyo qabtey ayaa raba in la siiyo ra'iisul wasaaraha ayna u tanaasulaan Azerbijaaniyiinta

Armeeniya ayaa afar tuulo oo xuduuda ah ku celisay Asarbayjan taas oo qayb ka ah heshiiska haduu dhaqan galo,

Faransiiska ayaa Asarbayjan ku eedaynaya rabshada cusub ee Caledonia,


Ruushku waxa uu tobanaan sano ahaa dhexdhexaadiye dhaqameed oo u dhexeeya labada wadan ee is haya kuwaas oo ka wada tursanaa Jamhuuriyadihii Soofiyeedka ee hore, laakiin labadii sano ee la soo dhaafay, Moscow waxa hoos u dhigay ololaheeda Ukrain, awoodaha reer galbeedka ayaa door weyn ka ciyaarayay dhexdhexaadinta khilaaf.

"Waxaa si weyn loo og yahay in Ruushku uu sidoo kale wajahayo qalalaase, marka ugu horeysa oo dhan wadada Yukreeniyaan," Putin ayaa ka sheegay Baku Isniintii isagoo si wadajir ah ula hadlay Madaxweynaha Asarbayjaan Ilham Aliyev.


"Ololihii Baakuu wuxuu soo afjaray soddonkii sano ee xukunkii gooni u goosadka Armenia ee Nagorno-Karabakh waxaana sida la sheegay xumaaday xiriirka ka dhexeeya Yerevan iyo xulafadeeda dhaqameed ee ah dalka Russia. Armenia ayaa ku eedaysay Ruushka waxqabad la'aan, waxayna xoojisay xiriirka ay la leedahay wadamada reer galbeedka.


Ruushku waxa uu diiday in uu soo farageliyo dhinaca Yerevan, Asarbayjanna waxa ay dib ula wareegtay gobolka muddada dheer lagu muransanaa. Sannado colaado ah ka dib, dadka Armenianka ah waxay ka qaxeen gobolka buuraleyda ah cabsi ay ka qabaan aargoosi - qax in ka badan 100,000 oo qof ayaa u guuray dhanka armaniya. 

 

"Haddii aan sameyn karno wax aan ku saxiixno heshiis nabadeed oo u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia. aad ayaan ugu farxi lahaa," ayuu yiri Putin.


Nagorno-Karabakh, Nadiifinta qowmiyadeed ama soo celinta madax-bannaanidii hore ayaa ka mid ah wada xaajoodyada 


Hogaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in booqashadiisa Baku ka dib, uu la xiriiri doono Ra'iisul Wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan si uu "ugu sheego natiijada wada xaajoodyadayada".


 Aliyev ayaa sheegay in amniga gobolka uu inta badan ku xiran yahay iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Azerbaijan iyo Ruushka.


"Xaaladda cusub waxay furaysaa fursado cusub oo lagu dhisayo nabad waarta Koonfurta Caucasus," ayuu yidhi.


Wadahadallada ka dib, Putin wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha ay ka wadahadleen hindiseyaal wadajir ah oo ay ka mid yihiin dhismaha booyadaha yaryar ee loogu talagalay in saliidda laga soo qaado gobollada Caspian iyo Badda Madow lana geeyo badda Mediterranean-ka. 

Azerbaijan, oo ku taal badda Caspian, waa bixiye tamar muhiim u ah Midowga Yurub. Dalku wuxuu hore u raacay siyaasad ka madax bannaan Moscow laakiin lama oga inuu hadda la heshiin doonaa Ruushka. 


Post a Comment

0 Comments