20 December 2023, ciidanka booliiska soomaaliyeed waxaa uu u dabaal dagayaa sannad guuradiisii sideetanaad 80, markii la aasaasay 1943. Waxaa magaca booliiska soomaaliyeed la oddhan jiray ( police corps of somalia) waa dhinaca koonfurta halka dhanka waqooyi la odhan jiray (somaliland police scouts). Sanadii 1960 kii ayaa loo badalay magaca ciidanka booliiska soomaaliyeed kan haatan loo yaqaan ee ah (spf. somali police force). Kadib markii ay isku biireen goboladii waqooyi ee Engiriiska ka xoroobay iyo kuwii koonfureed ee Talyaaniga ka qaatay xorriyada. Burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya 1991 kadib labbaatan iyo labbo sanno 22 oo uu ciidanka booliiska soomaaliyeed saaxada ka maqnaa haatan lagga soo bilaabo sanadii 2013 oo uu markii ugu horeeysay dabaal dagay si joogta ah ayaa loo dhigaa xafladda xuska sanadlaha ee aasaaska ciidanka booliiska. Si ka duwan sidii horay uu ugu shaqayn jiray ciidanka booliiska soomaaliyeed waxaa uu xoogga saaray sidii uu nabad waarta iyo xasilooni ugu soo celin lahaa magaala xeebeedka qurxoon ee caasimada umada soomaaliyeed muqdisho oo ay ku nooshahay ku dhawaad sadex 3 million oo shacabka soomaaliyeed ah.
Ciidanka booliiska soomaaliyeed waxaa uu kaalin muuqata ka qaataa kobaca dhaqaalaha, xasiloonida siyaasada iyo hormarka dalka guud ahaan intii uu booliiska saaxada ka maqnaa waxaa sido kale aan lahayn oo maqan qoraal badan oo muhiim u ahaa umada soomaaliyeed. dib u dhiska ciidanka booliiska soomaaliyeed waxaa haboon in loo yeesho dareen gaar ah maxaa yeelay mabaadiida dib loogu dhisaayo ama dib loogu habaynaayo booliiska waa inay cadahay waayo dhaqanka ciidanka booliiska waa mid u adkaysta isbadalada marwalbo. Wali waxaa socota xoojinta iyo tayeenta ciidanka booliiska.
Qaab dhismeed ka ciidanka booliiska waa sidan soo socota: Taliyaha, Taliye xigeenno, Hoggaanno, Qeybo, Saldhigyo, Laamo. Hoggaannada ciidanka booliiska soomaaliyeed waxay kala yihiin:
Hoggaanka Ciidanka,
Hoggaanka Maaliyadda,
Hoggaanka saadka.
Hoggaanka Nabadgelyada waddooyinka,
Hoggaanka Qurshaha iyo Tababarrada,
Hoggaanka Caafimaadka,
Hoggaanka Gaadiidka,
Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha,
Hoggaanka Isgaarsiinta,
Hoggaanka Dhismaha,
Hoggaanka Baarista Dembiyada.
Hoggaank howlgelinta, iyo kormeerrk,
Hoggaanka siyaasadda,
Hoggaanka Caalamiga interpoolka
Hoggaanka anshaxa iyo arimaha diinta
.Qeybaha ay ka kobanyihiin wa sida
Qeybaha dhexe ee boliiska
Qeybaha hoose ee boliiska
Saldhigyada iyo
Laamaha
WAAJIBAADKA CIIDANKA BOOLIISKA
ciidanka booliiska soomaaliyeed wuxuu leeyahay waajibaad balaaran oo uu igmaday shacabka soomaaliyeed shaqadiisana afar iyo labaatan saac (24) heegan buuxa ayuu ugu jiraa gudashada waajibka qaran ee uu u igmaday shacabka soomaaliyeed. hadii aan wax yar oo ka mid ah sheegno howlaha uu booliisku qabto waxaa ka mid ah: dhowrista nidaamka iyo kala dambaynta. dhaqan gelinta sharciga. dhowrista dastuurka. ka hortagida iyo ka dabatagida dembiyada abaabulan ee amniga lidka ku ah. ilaalinta nolosha, nabada, hantida, muwaadiniita soomaaliyeed iyo dadka kale ee sifo sharci ah ku dagan jamhuuriyada federaalka soomaaliyeed. ladagaalanka dembiyada isaga goosha dowlad goboleedyada. Ladagaalanka budhcada badda iyo baarigabo. difaaca waaxaha qaranka hay’adaha dowlada federaalka ee soomaaliyeed. la dagaalanka musuq-maasuqa iyo dambiyada lidka ku ah aadamaha, xuquuqda insaanka, qaranimada & dhaqaalaha umada soomaaliyeed. fulinta howlaha socdaalka, bixinta iyo hubinta baasaboorada & jinsiyadaha. gacansiinta booliiska dowladaha xumnaha ka ah dowlada federaalka marka ay timaado baahi qaran ama iyagu sidaasi codsadaan. ka hortaga iyo wax ka qabashada isku dhacyada xuduudeed ee dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka. qabashada howlaha booliiska xuduudda, ilaalinta canshuuraha iyo howlaha sarifka lacagaha adag ee xuduudaha dhulka, cirka iyo biyaha jamhuuriyada federaalka ee soomaaliya. isku duwidda xiriirka caalamiga ah ee ciidanka booliiska jamhuuriyada federaalka soomaaliya ( interpol). diyaarinta iyo hirgalinta manhaj tababar mehradeed oo midaysan. Ilaalinta dhismayaasha iyo shaqaalaha safaaradaha, shirkadaha shisheeye & hay’adaha caalamiga ah. hirgalinta xeerarka guud iyo kuwa gaar ahaaneed, ammarada madaxda iyo faritaanada danta u ah dhaqaalaha iyo siyaasada. waajib kasta oo loogu xilsaaray sharciga ama shuruucda kale ee dalka. Fuliyaasha sharciga ayaa ah koox dad ah oo loo xilsaaray ka hortagga dembiga iyo ka dabatagida dambiilayaasha. Iyadoo qayb ka ah xoojinta sharciga, saraakiisha booliisku waxay leeyihiin afar mas'uuliyadood oo waaweyn: xoojinta shuruucda, ka hortagga dembiyada, ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, iyo bixinta adeegyada taageerada shacabka. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuu kale oo uu lahaa dugsiyo tababar iyo xarumo caafimaad waxaana ka mid ahaa. Akadeemiyada Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana hoos imaanayay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Beledweyne iyo Dugsiga Tababarka Gaadiidka ee Baydhabo. Isbitaalka Madiina ee Booliiska Soomaaliyeed iyo Xarunta Agoonta Booliiska.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo saldhigyo booliis ku lahaa degmo kasta oo ka mid ah Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoo Tuulooyinkana ay kulahaayeen Rugo Booliis, gaar ahaan kuwa ku yaalla Xudduudaha aan la wadaagno Dalalka Dariska ah.
Ciidanka booliiska soomaaliyeed waa kan ugu faca weyn ciidamad qalabka sida oo howshiisu har iyo habeen socoto oo aan nasasho lahayn, mar haddii la raaciyay nabadda dalka iyo dadka naf iyo hantiba, waxayna ilaaliyaan sharciga dalka.
Ciidanka booliska soomaaliyeed, wuxuu ka soo qeyb qaatay dagaalladii dalka lagu difaacayay ee 1977kii, iyadoo ay u dheer tahay gudashada wajibaadka sugidda ammniga gudaha iyo u adeegidda bulshada taasina waa midda ka dhigtay booliiska in loogu yeero saaxiibka bulshada ee ogaada wax badan inteysan dhicin ayey fashiliyan sido kale waxa ay ka shaqeeyan xasiloonida iyo kala dambeynta.
Ciidanka booliska soomaaliyeed, iyadoo ay u dheer tahay waajibaadkiisa gaar ahaaneed ee ilaalinta nabadgelyada gudaha waxaa uu ka soo qeyb qaatay halgankii gobonnimo doonka, isagoo si hoose ula shaqeynaayay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ee ay hugaanka u hayeen xisbigii leegada.
Taliyaashii soo baray hogganka boliiska
1) Gen. Maxamed Abshir Muuse ( haamaan) 1960_ 1968.
2) Gen. Jaamac Cali Qoorsheel. 1968_ 1970
3) Gen. Jaamac Maxamed qaalib 1971_ 1974
4) Gen. Cabdulaahi Maxamuud Xasan (matukade). 1974 _1978
5) Gen. Aadan Cabdi Ducaale ( kuukaay). (1978 1988)
6) Gen. Axmed Jaamac muuse 1988_ 1989
7) Gen. Cabdiraxman Cabdi Xusseen ( Guulwade) 1989 _1991
8) Gen. Muumin Ibraahim Isaaq 2000_ 2003
9) Gen. Cabdi Xasan Cawaale ( Qeybdiid). 2003_2005
10) Gen. Cali Xassan looyaan ( cali madoobe). 2005_ 2007
11) Gen. Cabdi Xassan Cawaale ( qeybdiid). 2007_ 2009
12) Gen. Cali Xassan Looyaan ( cali madoobe). 2009 2011
13) Gen. Shariif Sheekhuna Maye. 2011_ 2013
14) Gen. Cabixakiin Daahir siciid ( saacid). 2013 _2014
15) Gen. Maxamed sheekh ismaaciil faarah. 2014 _2014
16) Gen. Cusmaan Cumar Waheliye (Gas.Gas). 2014 _2015
17) Gen. Maxamed Sheekh Xassan (Xaamud). 2015 _2017
18) Gen. Cabixakiin Daahir siciid ( saacid). 2017 2017
19) Gen. Mukhtaar Xussen Afrax. 2017_ 2018
20) Gen. Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko). 2018_2019
21) Gen. Cabdi Xassan Moxamed (Xijaar). 2019_2023
22 Gen. Sulub Axmed Firin 2023_
0 Comments