Soomaaliya ayaa laga qaaday cuna qabateytii hubka ee saarneyd muddo 31 sanno ah ka dib dagaaladii sokeeye

Latest Article

6/recent/ticker-posts

Soomaaliya ayaa laga qaaday cuna qabateytii hubka ee saarneyd muddo 31 sanno ah ka dib dagaaladii sokeeye





Soomaaliya ayaa laga qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnayd 31 sano ka dib kulan Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ka yeesheen kaas oo si aqlabiyad leh loogu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii hubka ee saarnayd Soomaaliya ilaa sanadkii 1992-dii.
Golaha Ammaanka ayaa xilligaas qaraarkoodu ku saleeyay si looga hortago qulqulka hubka ee dalka xilli dagaallo ahli ah ka jireen dalka kuwaas oo ka dhashay markii meesha laga saaray dowladii uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.



Dadaallo is daba joog ah oo ka soo billowday sanadkii 2012-kii ayey Soomaaliya ku gaysay masraxyada caalamiga sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabtayntan iyagoo ku andacoonaya inuu dalku helo hub uu ku qalabeeyo ciidamadiisa si ay uga adkaato kooxda al-Shabaab oo muddo 15 sano ka badan dagaal kaga soo horjeedda dowladda iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.


Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cisman ‘Baalle’ ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ay awood u siinayso Soomaaliya ka hortagga khataraha dhanka ammaanka sidoo kalana u oggolaanayso xoojinta tayada ciidamada amniga Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna ka hadlay go'aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa tilmaamay in waa cusub iyo cutub hor leh uu u furmay Soomaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu xor u yahay intay awooddoodu le’egtahay ay hubka ay rabaan dibadda ka soo iibsadaan ama dalalka saaxiibka la ah ay siiyaan hubka ay waydiistaan.

Wuxuu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay ku ad adkaan doonto xakamaynta, ilaalinta iyo qulqulka hubka dalka ku soo qulqulayo ayna u leedahay shuruuc adag oo lagu ilaalinayo.


La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha, Xuseen Macallin Maxamuud, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga dhigan tahay helidda qayb ka mid ah xoriyaddeeda dal ahaaneed.


Wuxuu sheegay inay tani ku soo beegantay xilli ciidamada ATMIS ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sanadkan ayna u baahan tahay in ciidamada Soomaaliya ay qaataan mas'uuliyadda ammaanka dalka.


“See lagu ilaalinayaa, Soomaaliya awoodda ay dhisan doonto, see lagu ilaalinayaa waa hadda su'aasha taagan, ee dowladda Soomaaliy ay rabto inay ka shaqayso,” ayuu yiri

Post a Comment

0 Comments