Sida ay xamaas u dhistay ciidamadii qaaday weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaaday israil 7 Octoobar 2023

Latest Article

6/recent/ticker-posts

Sida ay xamaas u dhistay ciidamadii qaaday weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaaday israil 7 Octoobar 2023

 


Shan kooxood oo Falastiiniyiin ah ayaa ku biiray Xamaas ka hor weerarkii dadka badan ku dhinteen ee 7-dii Oktoobar lagu qaaday Israa'iil ka dib markii ay si wadajir ah ay sameeyeen dhoolatus ciidan laga soo bilaabo 2020-kii, sida ay muujineyso falanqayn ay BBC sameysay.

Kooxuhu waxay dhoolatusyo wadajir ah ka sameeyeen Qasa kuwaas oo la mid ahaa xeeladihii la isticmaalay intii lagu guda jiray weerarrada ka dhacay gudaha Israa’iil.

Dhoolatuskan waxa ay ku sameeyeen qafaalasho, weeraro iyo jabinta difaacyada Israa’iil intii lagu guda jiray, waxaana kii ugu dambeeyay la qabtay 25 maalmood ka hor weerarka.

BBC-da laanta afka Carabiga iyo BBC Verify ayaa aruuriyay cadeymo muujinaya sida Xamaas ay isugu keentay kooxaha Gaza si ay u mideeyaan qaabkooda dagaalka - ugu dambeyntiina ay duulaan ku qaadaan Israa'iil kaas oo gobolka geliyey dagaal.

Astaanta midnimada Ciidamada Xamaas

29-kii Diseembar 2020, hogaamiyaha guud ee Xamaas Ismail Haniyeh ayaa ku dhawaaqay dhoolatuskii ugu horeeyay ee ay sameeyeen kooxaha kaas oo loogu magac daray “tiir iyo farriin adag iyo calaamad midnimo” oo udhaxeysa kooxaha hubaysan ee kala duwan ee Gaza.

Maadaama ay tahay kooxda ugu awoodda badan kooxaha hubaysan ee Gaza waxay ahayd xoogga ugu sarreeya isbahaysiga taas oo isu keentay 10 kooxood oo kale oo falastiiniyiin ah.

Qaab dhismeedka waxaa la dejiyay 2018 si la iskugu duwo kooxaha hubaysan ee Gaza ee hoos yimaada taliska dhexe.


Kahor 2018, Xamaas waxay si rasmi ah ula xiriir ula sameysay kooxda Falastiin Islamic Jihad (PIJ), oo ah kooxda labaad ee ugu awoodda badan Gaza.

Xamaas waxa ay weeraradii hore sidoo kale ka barbar dagaalameen kooxaha kale, laakiin dhoolatuskii 2020 waxa lagu faafiyay dacaayad taas oo caddaynaysa in kooxo badan oo kala duwan la mideeyay.

Hogaamiyaha Xamaas ayaa sheegay in dhoolatuskii ugu horeeyay uu ka tarjumayo "diyaar garowga joogtada ah" ee kooxaha hubeysan.

Dhoolatuskii 2020 wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee lagu sameeyey afar tababbar oo wadajir ah oo la qabtay muddo saddex sano gudohood ah, kuwaas oo mid walba lagu sameeyay muuqaallo la qurxiyay oo la soo galiyay baraha bulshbulshada.

warbaahinta ayaa muuqaal ahaan ku ogaatay inay ahaayeen 10 kooxood, oo ay ku jiraan PIJ, iyagoo si gaar ah u garatay xirirahooda gaarka ah iyo astaamaha ay ku barbar taagan yihiin Xamaas intii lagu jiray tababbarka loogu magac darayTiirka adag.

Ka dib weerarkii 7-dii Oktoobar, shan ka mid ah kooxaha ayaa sii daayay muuqaallo ay ku andacoonayaan inay muujinayaan inay ka qayb qaadanayaan weerarka. Saddex kale ayaa bayaan qoraal ah soo dhigay barta Telegram iyagoo sheeganaya inay ka qaybqaateen weerarkii 7-dii Octoobar.

Israa'iil ma sii ogeyd in weerar ku soo socdo: Xog Sirdoon

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Masar ay uga sii digtay israa’iil in uu ku soo socdo dagaal xoog leh seddex maalmood ka hor intii aysan Xamaas xudduudda ka soo gudbin oo aysan weerarka ku qaadin sida laga soo xigtay guddoomiyaha guddi hoosaad ka tirsan aqalka koongareeska Maraykanka.

Madaxa guddi hoosaadka aqalaka wakiillada Maraykanka u qaabilsan arrimaha dibadda Michael McCaul ayaa warfidiyeenka uga warramay digniintaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wararkaas ku tilmaamay “Been cad”

Waxaa sidoo kale aad isha loogu hayaa sirdoonka Israa’iil sidii ay ugu guul darraysteen inay ka hor tagaan weerarkii ugudhimashada badnaa ee mintidiin Falastiiniyiin ah ku qaadaan Israa’iil muddo 75 sano ah.

“Waxaan ognahay in Masar ay u digtay Israa’iil seddex maalmood ka hor in dhacdadaas oo kale ay dhici karto” ayuu ku yiri McCaul saxaafadda ka dib shir arrimaha sirdoonka ku saabsan oo albaabadu u xirnaayeen oo sharci dejiyeyaashu ay ka yeesheen xiisadda bariga dhexe sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AFP.

Sida uu Xamaas u aasaasay Imaamkaan naafada ahaa ee aan farna nuuxin karin

Sheekh Axmed Yaasiin

XIGASHADA SAWIRKA,

Sheekh Axmed Ismaaciil Xasan Yaasiin. Waxa uu ahaa aasaasihii ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta iyo urur siyaasadeed kale.

Yaasiin waxa kale oo uu ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka. Xamaas ayaa caan ka dhex noqotay bulshada falastiiniyiinta ka dib markii ay dhiseen isbitaalo, nidaam waxbarasho, maktabado iyo adeegyo kale, balse waxa ay sidoo kale sheegatay mas’uuliyadda tiro weeraro ismiidaamin ah oo lala beegsaday Israa’iil, taasoo keentay in dowladaha reer galbeedka ay ku tilmaamaan urur argagixiso.

Yaasiin, oo ahaa naafo indhaha aan safiican waxba uga arag, ayaa waxa uu kursiga curyaanka saarnaa tan iyo markii uu shil galay isaga oo 12 jir ah, waxaana duqayn ku dilay duuliye Israa’iili ah oo watay diyaarad helicopter ah sannadkii 2004-tii.

Dilkiisa oo ah weerar galaaftay nolosha dad gaaraya sagaal qof, ayaa soo dedejiyay dhaleeceyn badan oo Israa'iil lagala dul dhacay. Dad badan oo indha-indheeya arrimaha Falastiiin ayaa soo jeediyay in falkaasi uu si xun u saameyn doono geeddi-socodka nabadda. 200,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ka soo qaybgalay aaskiisa.


Sheekh Axmed Yaasiin waxa uu ku dhashay al-Jura, oo ah tuulo yar oo u dhaw magaalada Ashkelon, xilligii uu Ingiriisku xukumayay Falastiin.

Taariikhda dhalashadiisa si dhab ah looma oga, balse baasaboorkiisa Falastiin waxaa ku qornayd inuu dhashay 1 Janaayo 1929 kii, inkasta oo uu sheeganayay inuu dhab ahaantii dhashay 1938 dii.

Aabihii Cabdullaahi Yaasiin, wuxuu dhintay isagoo saddex jir ah, waagaas kadib waxa xaafaddii uu degganaa loogu yaqaanay Axmed Sacda oo ah magaca hooyadiis, Sacda al-Habeel, kaas oo loogu yeedhi jiray sababtoo ah aabihii waxa uu dhintay isaga oo yar.

Yaasiin waxaa la dhashay afar wiil iyo laba gabdhood. Isaga iyo qoyskiisa oo dhan waxay u qaxeen Gaza, gaar ahaan xerada al-Shati ka dib markii tuuladiisii ay qabsadeen Ciidamada Israel intii lagu jiray Dagaalkii Carabta iyo Israa'iil ee 1948 dii.

Sanadkii 1958 kii ayuu dhammaystay waxbarashadiisii dugsiga sare, isagoo bilaabay shaqo macalinimo ahayd, labaatan jir markii uu gaaray ayuu ka qayb qaatay mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday duulaankii saddex geesoodka ahaa ee lagu qaaday Masar sanadkii 1956kii, waxaana beryahaas soo baxday codkarnimadiisii iyadoo dhallinayrada iyo dadkoo dhamba ay u soo joogsan jireen khudbadihiisii soo jiidashada badnaa taasoo keentay inay dabagalaan nabadsugiddii Masar oo waagaa ka talin jirtay gacanka Qasa.

Sheekh Axmed Yaasiin

XIGASHADA SAWIRKA,

Sanadkii 1965 kii ayay xabsiga u taxaabeen nabadsugida Masar iyagoo ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Ikhwaanulmuslimiinka ,isagoo xabsi keli ah ku jirey muddo bil ah.

Sanadkii 1967 kii markii ay Israa'iil wada qabsatay dhulka Falastiin oo gacanka Qasa ku jiro, ayuu bilaabay inuu ku guubaabiyo dadka khudbadihiisii dhiirigalinta ahaa ee uu kaga soo horjeeday gumaysiga Israa'iil ee dhulkoodii boobay, isagoo isla markaana ururin jirey kaalmooyin la siiyo qoysaska laga shahiiday iyo kuwa laga xiran yahay wuxuuna markii dambe madax ka noqday kulanka Islaamka ee gacanka Qasa.

Dhaqdhaqaaqyadiisaasi waxay ka cadhaysiiyeen Israa'iil, taasoo keentay in sanadku markuu ahaa 1982 kii la xidho, laguna xukumo 13 sano oo xadhig adag ah, hase yeeshee 1985 kii ayaa lagu sii daayay iswaydaarsi maxaabiis oo dhexmaray dawladda Israa'iil iyo Jabhadda Shacbiga Xoraynta Falastiin "Hoggaanka Guud".

Sanadkii 1987 kii ayuu Sh. Axmed Yaasiin kula heshiiyay koox ka mid hoggaamiyayaasha Islaamiga ah ee leh fikirka Ururka Ikhwaanulmuslimiinta aasaasidda urur Islaami ah oo la dagaalama Israa'iil, ururkaas oo loo bixiyay "Dhaqdhaqaaqa Iskacaabinta Islaamiga ah" oo marka la soo gaabiyo loogu yeedho "Xamaas".

Wuxuu qayb laxaad leh ka qaatay kacdoonkii waqtigaas ka bilawday degaanada Falastiiniyiinta kacdoonadaas oo loogu magac daray kacdoonkii Masaajidka, laga soo bilaaba waqtigaana waxa uu noqday Aabaha Ruuxiga ah ee dhaqdhaqaaqaas 

AUN


Post a Comment

0 Comments