Dowlada maraykanka ayaa sheegtey inay xayiraado dhanka fiisaha ku soo rogi doono shakhsiyaadka ku lug_yeesha rabshadaha ka dhanka ah rayidka degan daanta galbeed

Latest Article

6/recent/ticker-posts

Dowlada maraykanka ayaa sheegtey inay xayiraado dhanka fiisaha ku soo rogi doono shakhsiyaadka ku lug_yeesha rabshadaha ka dhanka ah rayidka degan daanta galbeed


Mareykanka ayaa ku dhawaaqay siyaasad mamnuucida fiisaha kadib markii uu uga digay Israa’iil rabshadaha Daanta Galbeed

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee. Maraykanka Antony Blinken oo la hadlaya warbaahinta ka hor inta aanu ka dhoofin madaarka caalamiga ah ee Al Maktoum ee Dubai,

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray Talaadadii ku shaaciyay siyaasad cusub oo lagu xakameynayo fiisaha, waxaana lagu soo rogi doonaa xayiraad dhanka fiisaha ah.

Xayiraadaha ayaa bartilmaameedsan doona kuwa geystay falalka rabshadaha ama falalka kale ee xaddidaya gelitaanka goobaha rayidka ee adeegyada muhiimka ah iyo waxyaabaha aasaasiga ah waxaana sidoo kale laga yaabaa inay khuseeyaan xubnaha qoyska shaqsiyaadkaas, ayuu yiri Blinken.

Bayaanka laguma sheegin shaqsiyaadka ay wajahayaan mamnuucista fiisaha, mana sheegin tirada la beegsan doono.

Madaxweyne Joe Biden iyo saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa marar badan ka digay in Israa’iil ay ku dhaqaaqdo sidii ay u joojin lahayd rabshadaha ay dadka Israa’iiliyiinta ahi u geysanayaan Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed, kuwaas oo kor u kacay tan iyo markii ay Xamaas weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar.

"Waxaan hoosta ka xariiqnay dawladda Israa'iil baahida loo qabo in la sameeyo wax badan si loola xisaabtamo dadka deggan daanta dalbeed Israa’iiliinta ee xagjirka ah ee geystay weerarrada rabshadaha wata ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed," ayuu yiri Blinken

Intii lagu guda jiray shirar Israa'iil ka dhacay usbuucii hore, Blinken wuxuu u sheegay saraakiisha in Washington "ay diyaar u tahay inay qaaddo tillaabo iyadoo la adeegsanayo maamulkeena," ayuu yidhi.

Tan iyo dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, Israel waxay qabsatay Daanta Galbeed, halka ay Falastiiniyiintu doonayaan inay udub dhexaad u noqdaan dal madax banaan.  Waxa ay israa,iil halkaasi ka dhistay deegaano ay dad Yuhuud ah degan yihiin inta badan wadamada caalamka ayaa u arkaa deegaameyta sharci daro.  Israa'iil taas way ka doodday oo waxay dhagaha ka fureysatey baaqyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha intaba.

Weerarada maalin laha ah ee dadka deegaanka ayaa in ka badan laban laabmay, tirokoobyada Qaramada Midoobay ayaa muujinaya, tan iyo markii Xamaas, oo maamusha dhulka Falastiiniyiinta ee Gaza, ay dileen 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, ayna qafaasheen ilaa 240 qof.  Israa'iil ayaa tan iyo markii ay duqeymo iyo duullaan ku qaaday Qaza ku dishay in ka badan 15,000 oo qof oo falastiiniyiin ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ayaa sheegay todobaadkii hore Maraykanku waxa uu doonayaa in Israa’iil ay dacwad ku soo oogto shakhsiyaadka mas’uulka ka ah rabshadaha Daanta Galbeed balse aanay weli arag tallaabadan.

Blinken waxa uu sheegay in Washington ay sii wadi doonto la xidhiidhka madaxda Israel si ay u caddayso in Israel ay tahay in ay qaado tillaabooyin dheeraad ah si ay uga ilaaliso rayidka falastiiniyiinta weerarada xagjirka ah, isaga oo intaa ku daray in maamulka falastiiniyiinta sidoo kale ay tahay in ay wax badan ka qabtaan sidii ay u xakamayn lahaayeen weerarada Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israa’iiliyiinta

Maxaa sababay in dowlada mareykanku ay sidaas u hadasho wakhtigan?

Mareykanka ayaa bilowgii dagaalka Israa'iil iyo xamaas si deg deg ah ugu dhaqaaqay si uu u xoojiyo millatariga Israel. 

Saacado gudahooda markii uu socday weerarka xoraynta qudus ee Xamaas, Maraykanku wuxuu bilaabay inuu u raro maraakiibta dagaalka iyo diyaarado gobolka si uu diyaar ugu noqdo inuu siiyo Israel wax kasta oo ay u baahan tahay si ay uga jawaabto.

Kooxdii labaad ee duuliyayaasha Mareykanka ah ayaa ka ambabaxday Norfolk, Virginia, Jimcihii. Diyaarado tiro badan ayaa ku wajahan saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaala bariga dhexe. Ciidamada howlgallada gaarka ah ayaa hadda ka caawinaya militariga Israa’iil dhanka qorsheynta iyo sirdoonka. Shixnaddii ugu horreysay ee hub dheeri ah ayaa mar hore timid.

Wax badan ayaa la filayaa, dhawaan. Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa imaaday Israel Jimciihii ugu horeeyey si uu ula kulmo hogaamiyayaasha Israel si uu ugala hadlo waxa kale oo ay mareykanka uga baahan yihiin bixina karo.

Hadda, dhisiddani waxa ay ka tarjumaysaa welwelka Maraykanku ka qabo in dagaalka lagu hoobtay ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil uu isu beddelo dagaal goboleed oo khatar badan. Markaa hadafka koowaad ee maraakiibtaas iyo diyaaradahaas dagaalku waa in la sameeyo ciidan ka hortagaya Xisbullah, Iran ama kuwa kale inay ka faa’iidaystaan ​​xaaladda. 


Post a Comment

0 Comments